Cali Guray Oo Ka Hadley Golaha Wasiirada Uu Madaxweyne Muuse Biixi Magacaabey .
December 17, 2017 - Written by Berbera Today
“War nabada la idin sii. Anigu ka mid ma ahi kuwii uu Madaxwaynuhu ka sii
dardaarmay uu yidhi hadhaw ha odhanina FARTAYDA EEDAYEEY waayo umaan dooranin Madaxwaynaha inu wasiir iga dhigo oo waan sii garanayay xeerka i qaban doona oo ah ” QAYBIYAA QADA” waana gobanimo ee gunnimo maaha. Afartaa xan durugtiyo, danni jira ogaalkii.
Tan kale waxan ka markhaati kacayaa in xukuumadda uu soo dhisay madaxwaynuhu ay tahay mid kooban oo tayo leh marka loo eego tii ay bedeshay, marka aan sadarada dhexdooda akhriyona xul iyo xalba way tahay xiligan ayno. Xubnaha wasiirada xukuumadda cusub waan wada hambalyaynayaa. Shacbiga axraarta ah ee Somaliland waxan leeyahay Madaxwaynaha ha la siiyo wakhti xukuumadiisana aynu tijaabino ee yaan laga dayrin” ayuu yidhi Cali Guray