Munaasibad lagu wayneynayey Maalinta Fanka oo ka qabsoontay Guriga Ummadda oo ku yaalla Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalkaasi, ayaa waxa ka qayb-galay Raysal-wasaaraha Jabuuti, Wasiirro, bahda Fanka iyo Dad kale oo Weriyeyaal ka mid yihiin.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyey halkaas ayaa sheegay inay Dawlad ahaan hirgeliyeen Machadka Fanka, kaasi oo ay ugu talo-galeen in lagu horumariyo Fanka noocyadiisa kala duwan.
Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in Fanaaniintu door wanaagsan ku leeyihiin Bulshada dhexdeeda, sidaasi darteed leeyihiin Karaamo iyo Qiimo.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la dhaafay Xilligii Fannaaniinta la dhibaataynayey ama marka loo baahdo uun loo yeedhayey, waxaanu yidhi “Waalla dhaafay Fanaankii la eryeynayey marka loo baahdana tunka la soo qabanayey, marka kalena halkaa lagaga tagayey.”
Sannad kasta 17 December ayaa la xusaa Maalinta Fanaaniinta Jabuuti, si loogu muujiyo inay door ku leeyihiin horumarka Bulshada, waxaase xusid mudan in Sannadkan khudbadaha laga jeediyey halkaasi ku qotomeen ahmiyadda Machadka Fanka ee Dalkaasi laga hirgeliyey.
Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa hirgelisay Machadka Fanka, kaasi oo lagu tababbarayo Fanaaniinta isla-markaana ay wax ka baran karaan Dadka doonaya inay bartaan Xirfadaha ay ka mid yihiin Farshaxanka, Muusigga iyo sida Heesaha loo qoro.