Su’aalo Sharci Oo Ka Dhashay Tallaabadii Koowaad Ee Madaxweynaha Cusub Qaaday
December 18, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Khamiistii ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada, ayaa fadhigoodii u hurreeyay ku dhaariyey Wasiirradaasi.
Dhaarinta Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa waxa ka dhashay su’aalo la xidhiidha waxa Sharcigu ka qabo Dhaartaasi, maaddaama oo aan Golaha Wasiirrada aanu Baarlamaanku ansixinin oo aanay weli noqonin Wasiirro Sharciya, sidaasi darteed ayaa Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka mid ah Golaha Wakiillada iyo Gar-yaqaan Guuleed Jaamac Dafac la waydiiyey waxa sharcigu ka qabo in la dhaariyo Wasiirrada oo aan weli Golaha Wakiilladu ansixin.