Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadlay Tuhunno Ka Dhashay Gaadiid Burco Lagaga Xidhay Xaglo-toosiye
December 18, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ka dib, markii dhowr Maalmood ka hor Magaalada Burco lagu xidhay laba Gaadhi oo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) u diray Magaalada Laascaanood iyo Dirawalladii wadayba, ayaa waxa soo baxay warar kala gedisan, kuwaasi oo qaarkood sheegayaan in Wasiirku uu Gaadiidkan oo Dawladdu lahayd ula goosanayey Degmada Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.