berberatoday.com
NINKII DIB U XUREEYAY QUDUS. W/Q: Prof: Yaxye Sheekh Caamir
December 19, 2017 - Written by berberatoday berberatoday

NINKII DIB U XUREEYAY QUDUS. W/Q: Prof: Yaxye Sheekh Caamir

Salaxu diin, ma ahayn Carab.

Intii uu ku jiray dagaalkii dib u xureeynta Qudus, hal mar kuma seexan firaash, mar kasta waxa uu ku dul hurdi jiray marba mid ka mid ah fardihii uu ku dagaallami jiray. Markii la yiri: Sayid Salaaxu diinoow waad daashashay ee soo dag oo firaash ku jiifo. Waxa uu yiri: Hadalkiisii caanka ahaa oo macnahiisu ahaa ( Ma rabo ALLAAH in ay u muuqto, Salaaxu diin oo jiifa iyada oo gaaladiina Qudus heeysato).

Al-Nasir Salah ad-Din Yusuf ibn Ayubi (1137 – 1193), waxa uu ku dhashay magaalada Tikrit, waxaana lagu aasay masjidka Umayad ee magaalada Dimishiq March 4, 1193, asaga oo 56 jir ahaa, waxa uu xukunkiisii ku fidiyay: Masar, siiriya, Ciraaqda sare, Xijas , yaman iyo qayba ka mid ah waqooyiga Afrika, ka dibna dhulkii reer falastiin. waxa uuna ka tagay 7 will oo kala ahaa: Othman, Daa’uud, Muscuud ,Afdal, Yaqub, Sahir, iyo Ishaq.

Mudda laga joogo in kabadan 800 sanno ayuu noolaa, waxa uuna go’aansday in uu xureeyo Qudus, dagaala badan oo ay dhibaato ka soo gaartay ka dib, waxa uu go’doomiyay magaaladii waxa uuna kala dooran siiyay gaaladii, in dagaalku sii socdo iyo in ay is dhiibaan si go’doonka looga qaado, lana ammaan geliyo ugu dambeeyn bishii July 4,1187 ayuu jabiyay masiixiyiintii oo uu ka dilay tiradii ugu badneed taariikhdooda oo dagaal uga dhimata, boqorkii iyo ciidama badan ayuu dilay. waxa uuna soo af jaray 88 sanno oo masiixiyiintu ay xakumayeen Qudus

Waxa uu xureeyay badanaa gaaladii waayeelka aheed, garoobbadii raggoodu dagaalka ku dhintay iyo carruur badan oo wada masiixiyiin ahaa, bacdamaa masiixiyiintu ay dadka muslinkaa iyo yahuuddaba ay isku si u qali jireen waxa ay ka baqayeen in uu ku aar gudsan doono in uu goowraco, taasi ma dhicin, waxa uu siiyay muddo 40 cisho ah in masiixi kasta uu ku aado waddankii uu ka yimid. waxa uuna u diyaariyay cidan sii galbiya si nabadgalyadooda loo sii suggo. kuwii dagaallamayay ee la qabtay, waxa ay ku dambeeyeen suuqa addoonta, Ragga 10 diinaar, Haweenka 5 diinaar , Carruurtana 1 diinaar.

Waxa uu u oggolaaday in Yahuuddo tagi karto macaabidyadooda, magaalada waxa uu qabsaday maalin Sabti ah, Axadiina waxaa uu u oggolaaday in kaniisadahoodii ay furtaan. taa oo muujineeysa xuriydda caqiiddada iyo dadka laga tirada badanyahay sida islaamku u dhowro haddiiba ay nabad kugula noolaanayaan oo iyaga laga nabad galayo.

Madaxda dowladuhu ma ka fekereen, Arrinta qudus ma ahan arrin saameeynee in ka badan halka billion oo muslimiinta ah oo kaliya ee xiriirka ummadaha caalamka oo dhan ayeey ku yeelan karaysaa saamayn culus.

FG: Ogoow Qudus ma ahan magaala Carbeed ee waa magaala Muslim, Ogow Salaahu Diin Carab ma aheeyn ee waxa uu ahaa KURDI Muslim ah.

Yaana kugu badin taariikhdaa oo qoraalla badan aan ka ururiyay, iyo waajibka naga saaran Qudus muslim ahaan, waa arrin adiguba aad fahmi karto, go’aankaaga adigaa iska leh. Afkaaga, Gacantaada iyo Uurkaaga xor ayaad u tahay.

Ummadaha kale xaqooda iyo xaqaaga kala garo. dhulkaaga, dhalyadaada, dheeftaada, dhiiggaaga iyo wixii Alle ku dhahay ku dhaqaaq Dhaxdhaxaad ma laga naqdaa?.

wixii aan ku qaldamay iga sax, waadna ku mahadsantahay, aragtidaada.

 

W/Q: Prof: Yaxye Sheekh Caamir

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews