Ninka foodkii uugalay Four percent %4 soo helay Haduu faan horeetiyo Fakhfakhiyo wareeriyo Cay iyo fatoosh badan Lafadhiisto degelada Faaruq weeye kaasiye, By Sacad Cali Kaahin Balaaki
December 20, 2017 - Written by Berbera Today
Ninka foodkii uugalay
Four percent %4 soo helay
Haduu faan horeetiyo
Fakhfakhiyo wareeriyo
Cay iyo fatoosh badan
Lafadhiisto degelada
Faaruq weeye kaasiye
Inta ficil ku doodee
Dallkeenaa ku faafsani
Ha fahmeen wadaadkaa
Soo faqaaya xumihiyo
Faqaatiir warskiisoo
Faylkii daraa iyo
Halkii uu fadhiyi jiray
Farta Aan ku fiiqnee
Foojignaa dadkaygaw
Weligiin faquuqoo
Ku fashilan dalkeenee
Falyd Aynu saaroo
Finland haloo diro