Iran : Tuulo Ay Ku Noolyihiin Dad Sunniyiin Ah Oo La Sheegay In 80% Dadka Ku Nooli Ay Halis U Yihiin Faqri !
December 21, 2017 - Written by Berbera Today
Iiran(Berberatoday.com)-Xildhibaan ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Dalka Iran oo magaciisa la yidhaahdo Husien Ali Shariari ayaa qiray in 80% dadka ku nool gobolka Baluchistan ee ku yaalla Bariga Iran isla markaana Dadka ku nool ay badanyihiin Dad Muslimiin ah oo Haysta Mad-habta Sunniga ah ay halis u yihiin Faqri hor leh oo soo waajaha.
Husien oo wareysi siiyay Wakaalada Wararka ee Ileana oo Wargeyska Himilo soo tarjumay ayaa waxa uu yidhi, “Ma jiro tirakoob dhab ah oo aan ku sheegi karno tirada Dadka ku nool ee Faqrigu soo weeraray, laakiinse waxa jira in arrintaasi aan qiyaasnay isla markaana aanu ogaanay in 80% dadka Gobolkaa ku nooli ay halis u yihiin, isla markaana uu baarlamaanka ka caajisay inuu dadkaasi wax u qabto”.