Nin Lacag Badan Sucuudiga Ka Tahriibinayey Oo Gacanta Lagu Dhigay !
December 21, 2017 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Ciidammada Ammaanka gaar ahaan kuwa Cashuuraha ee Dalka Sucuudiga ayaa gacanta ku dhigey Nin si aad u heer sarreysa isugu dayey inuu Dalkaasi Debadiisa u tahriibiyo Lacag aad u badan.
Ninkan ayaa waxa uu Lacag kumanaan kun oo Riyaal ah waxa uu ku riday Karaatoonta lagu rido shaadhadhka, isagoo gunta u dhigay shandadiisii dharka.
Balse, ciidammada ammaanka ee ee dalkaasi gaar ahaan qaybta Cashuuraha ayaa waxay si aad u xeel dheer ugu shakiyeen shandada ninkaasi.