Dabcasar Oo Shalay Somaliland Laga Mastaafuriyay Lagana Dhoofiyay Madaarka Diyaaradaha Hargeysa Ee Cigaal Oo Saaka Dib Ugu Soo Laabtay Hargeysa Iyo Sababta Keentay
December 22, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdiraxmaan Dabcasar oo maalintii shalay aheyd dawlada Somaliland ka musaafurisay dalkeeda ayaa saaka dib ugu soo laabtey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland
Dabcasar ayaa la sheegay in xukumadu ay u musaafirisay dalka Jabuuti oo uu codsadey in loo duuliyo , isla markaana waxaa naloo sheegay in sababta soo celisay ay tahay Jabuuti oo diiday in Dabcasar dalkeeda galo isla markaana waxaa ay Jabuuti Dabcasar soo saartey diyaarada Air Jabuuti oo goor dhaweyd ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa .
