Golaha Wasiirada Cusub Ee Somaliland Oo Loo Furayo Tababar Socon Doona Shan Cisho
December 23, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Machadka tababarka shaqaalaha dawladda ee CSI ayaa la filayaa inuu tababar shan maalmood ah u bilaabo golaha wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ma jiro war rasmi ah oo ay machadka iyo madaxtooyadu soo saareen tababarkan, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in machadka CSI uu tababarka u bilaabi doono golaha wasiirada cusub Sabtida kaas oo duruusta loo siin doono wada jir.