GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE EE GERMANY AYAA FARIIN IYO TAALO U DIRAAY MADAXWEYNAHAA SOMALILAND MUUSE BIXII+SHEEGAYNA IN MAAMULKII KHATUUMO LA SOO DHAWEEYO SI LOO HELO SOMALILAND QURUUX BADAN, W/Q CABDIRAXMAAN XASAN CALI HAYSTE
December 24, 2017 - Written by Berbera Today
Waxaan wada ognahay oo aynu qiraynaa inuu shacabka somaliland ay ka daaleen oo aysan rabin inay ku sii jiraan qabyaalad, nin jeclaysi, midnimo la,aan, shaqo la’an iyo qaran la’aan. Tallaabada ugu horaysa ee hortaala madaxwaynaha cusub waa sidii loo heli lahaa Somaliland qurux badan; oo la Wadaa leeyahay bari ilaa galbeed. Madaxwaynaha waxaa looga baahanyahay inuu la imaado daacad, cadaalad ,sinaan midnimo ,eex la,aan iyo karti dheeraada . Madaxweyne Ummadni way ka daashay in shaqada iyo horumarka somaliland lagu saleeyo eex iyo nin jeclaysi. Waa in dhamaan shacabka somaliland loogu qabtaa cawimaada ay u baahanyihiin si ku salaysan dal jacayl iyo eex la’aan. Madaxwayne Ummadni waxay u bahaantahay hogaamiye u jeediyaa jiidki horumarka, wax wada qabsiga, shaqo abuurka, nabada ,iyo in dib u loo hanto quluubta shacabka ay saamaysay qabyaalada iyo eexdu. Waa in la baabiyee magacyadii baxay intii ay socotay ololaha doorashadii ina dhaaftay. Waxaan aad u jecelahay in madaxwaynuhu diirada, iyo xoogba saaro sidii wuu u hanan lahaa walaalaheen Khaatumo; iyo sidii loo dhisi lahaa somaliland dhamays tirin. Shacabka somaliland waxaan leeyahay somaliland waa dalkeenii, waa dhulkeenii, waa ciideenii. Cidi cid kama xigto, kama xoog badna ee nin kastoow waxaad leedahay waxaad gashato. Haloo wada halgamo, haloo wada shaqeeyo, oo qalbiyada halaysku furo, o madaxwaynaha si daacada haloola shaqeeyo si aynu u gaadhno meel sare; iyo somaliland ta aynu wada rabno. Guul iyo horumar ayaan u rajaynayaa dalkeena iyo madaxwaynahaba,