Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Maanta Qasriga Madaxyooyada Ku Yeeshay Kulan Fool Ka Fool Ah
December 24, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo musharaxi uu tartanka doorashada kaga guuleystay ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa maanta kulan fool ka fool ah ah yeeshan tan iyo waxii ka danbeeyey doorashadii madaxtooyada marka laga reebo maalin ay xabaal dusheed ku kulmeen
Kulanka oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa dhinaca xisbiga Waddani musharax Cabdiraxmaan Ciro ku wehelinaayey hogaanka xisbigaasi oo ay ka mid yahiin Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid , Cali Cantar , Xoghayaha Guud Maxamed Cabdilaahi Uurcade iyo musharax ku xigeenkiisii AMB Maxamed Cali Awcabdi