“Reer Hargeysoow, Midaynta Somaliland Kuma Xidhna Xuduudka Reer Sheekh Isaxaaq..”Proff, Cali Khaliif Galaydh
December 24, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa mar kale ku celiyey in Heshiiskii ay Somaliland kala saxeexdeen u baahan yahay in la fuliyo.
Prof. Cali Khaliif Galaydh oo hadal ka jeediyey Hadhimo-sharafeed magaalada Hargeysa loogu sameeyay Siyaasiga Bile Rafle Guuleed oo safar ku jooga Somaliland, ayaa sheegay in aanay Khaatumo wax gaar ah uga baahnayn Somaliland, laakiin ay doonayaan in loo wada hiiliyo midaynta Jamhuuriyadda Somaliland.