berberatoday.com
Baashe Morgan Oo Laga Joojiyay $180 Kun Oo Uu Bilkasta Ku Qaadan Jiray Mashiin Lagu Baadho Tayda Shidaalka Oo Shaqeynin Oo Yaalay Haamaha Shiidaalka Berbera
December 25, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda cusub ee Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa joojisay lacag dhan boqol iyo sideetan kun oo doolar(180.000$) oo wiilka Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo Sodoga uyahay Baashe Morgan bilwalba ku qaadan jiray mashiin uu dibada ka keensaday oo uu dawladda kaga kireeyey baadhista tayada shidaalka wadanka la keeno balse aan shaqeynin oo awooda xukumadii uu sodogii Siilanyo hogaaminaayay ku qaadan jiray lacagtaas.

Mashiinkan oo Baashe Morgan dalka keenay muddo hada laga joogo 4 sanadood ayaa waxa uu ka mid ahaa waxyaabihii galaaftay ee sababay inay isku dhacaan wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdulcasiis Samaale iyo afadii Madaxweyne Siilaanyo ee Aamina Waris iyadoo uu Samaale ka gaws adeygay keenista mashiinkaasi balse wax yar ka dib uu xilkiisii ku waayey.
Dhinaca kale waxa soo ifbaxaya warar sheegaya in dawladdu ay dibu eegis ku sameyn doonto shirkado gaar loo leeyahay oo xukuumadda heshiisyo kula jira kuwaasoo ay sheerar ku leeyihiin Baashe Morgan,Aamina Waris, wasiirki horee madaxtooyada Maxmuud Xaashi iyo dad ganacsato ah oo kale.

heshiisyada dib u eegista lagu samayn doono ayaa waxa kamida heshiiska shirkada DP World ee Dekeda Berbera maamulkeeda sifaha khaldan loogu wareejiyay laguna kireeyay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews