Shiinaha Oo Sameeyey Diyaarado Ku Shaqaynaya Saliidda Cuntada Iyo Faa’idooyinka Laga Filayo In Ay Soo Kordhiso
December 26, 2017 - Written by Berbera Today

Beijing(Berberatoday.com)-Shirkad diyaaradeed oo shiinuhu leeyahay ayaa ku dhawaaqday in ay ku guulaysatay in ay hawada geliso duulimaadyo dalka dibaddiisa ah oo ay diyaaraduhu shidaal ahaan u isticmaalayaan qashinka saliidda cuntada.
Wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa sheegtay in shirkadda diyaaradaha ee Hainan ay arbacadii ina dhaaftay ku dhawaaqday in diyaarad ay leedahay oo nooceedu yahay Boeing 787 ay u kala gooshtay magaalooyinka Beijing ee caasimadda Shiinaha iyo Chicago ee dalka Maraykanka, iyada oo isticmaalaysa shidaal ay soo saarto shirkadda Sinopec oo ka samaysan saliidda cuntada lagu samaysto.