berberatoday.com
Dawlada Ivory Coast Oo Wasiir Hore 20 Sanno Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Iyo Danbiga Uu Sameeyey
December 27, 2017 - Written by Berbera Today

Ivory Coast(Berberatoday.com)-Hubert Oulaye, oo horay dowladda Ivory Coast wasiir uga soo noqday ayaa

waxaa lagu xukumay 20 sanno oo xadhig kaddib markii lagu helay inuu ku lug lahaa dilka 18 qof sannadku markuu ahaa 2012, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 7 qof oo ka mid ahaa nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay.

Mr Oulaye ayaa waxa uu wasiirka howlaha guud u ahaa madaxweynihii hore ee waddankaasi, Laurent Gbagbo.

No automatic alt text available.

 

 

Waxa uu go’aankan ay gaadhay maxkamad ku taalla magaalada Abidjan ku tilmaamay inay tahay xukun siyaasadeed oo aanan caddeyn loo hayn.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee waddanka Ivory Coast, Mireille Kouassi, ayaa sheegtay in Hubert Oulaye uu maalgeliyay si kacdoon looga sameeyo galbeedka waddanka.

Waxa ay ku baaqay in xabsi daa’in madaxa loo galiyo Mr Oulaye iyo ninka la eedaysan ee lagu magacaabo Maurice Djire, waxa ayna sheegtay in qofka ka dambeeya weerrarka uu mararka qaar ka khatar badan yahay kan soo abuubula.

Qareennada Mr Oulaye ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonan xukunkaasi.

Weerarka la qaaday bishii June ee 2012-kii ayaa dhacay xilli Ivory Coast ay iskudayaysay inay ka soo kabsato qulqulatooyinkii xigay doorashadii madaxtinimada ee 2010, markaas oo madaxweynihii xilka markaa hayay uu diiday inuu aqbalo in doorashada uu kaga adkaaday hogaamiyaha Ivory Coast ee xilligan, Alassane Ouattara.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews