Madaxwaynihii Hore Ee Maraykanka Brack Obama Oo Ka Digay Khatarta Uu Leeyahay Isticmaalka Baraha Bulshaddu.
December 28, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa ka digay halista ay leeyihiin baraha bulshada ee loo isticmaalo sida aanan xilkasnimada ahayn.

Wareysi dhif iyo naadir ah oo ah kan kaliya ee uu bixiyay tan iyo intii uu xafiiska ka tagay bishii Janaayo, ayuu ku sheegay in macluumaadka qaldan e la faafinayo ay keenayaan faham qaldan oo ay dadka qaataan.