berberatoday.com
Sheeko Xiiso Leh: Ciyaartooy Bustayaal Xaday
December 29, 2017 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines ayaa raaligelisay laba ciyaaryahan oo si qasab ah loogaga dejiyay diyaarad ka dib markii si khalad ah loogu eedeeyay xatooyo.

Marquis Teague iyo Trahson Burrell ayaa raacay diyaarad si ay uga qeyb galaan ciyaar. Laakiin, ka hor intii aanay diyaaraddu kicin, mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa sheegtay in labada ciyaartoy ay bustayaal ka xadeen qeybta qaaliga ah ee diyaaradda, xoog ayaana lagaga dejiyay. Balse markii dambe waxaa soo baxday in rakaab saarnaa qeybta hore ee qaaliga ah, ay bustayaasha siiyeen raggaasi caanka ah.

Labada laacib ee kubadda koleyga waxay u dhasheen Mareykanka, asalkoodana waxay ka soo jeedaan Afrika, taas ayaana loo aaneynayaa in ay sabab u tahay in mid ka mid ah shaqaalaha diyaaraddu ay u eedeysay.

 Labada ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda qaran ee ciyaaraha yar, Memphis Hustle, kama aanay hadlin dhacdada.

Balse, ku xigeenka tababaraha kooxda Hustle, Darnell Lazere ayaa Twitterka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in uu aaminsan yahay in ficilka uu ku saleysan yahay jinsiyad. Ciyaaryahannadu waxay ka safrayeen Dallas, waxayna ku sii jeedeen South Dakota.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha, Joshua Freed, ayaa sheegay in hadda ay dib u eegis ku sameynayaan dhacdada. Marquis Teague (bidix) iyo Trahson Burrell (midig) weli ka meysan hadlin arrint“Waanu ka raaligelineynaa waxa ka dhacay duullimaadka dhexidiisa. Waxaan tusaale u noqoneynaa in aan dadka isu keenno, waananu ognahay in diyaaradda gudeheeda aanu ka geysanay fal niyad jebin ku ah qaar ka mid ah macaamiishayada”, ayuu yidhi. Mr Teague iyo Mr Burrell waxaa la siiyay tigidho qeybta qaaliga ah, waxayna raaceen duullimaadkii dambe.

Kooxdooda ayaa Sioux Falls Skyforce oo ay wada ciyaarayeen ku garaacda 131-115. Burrell wuxuu kooxda u keenay 15 dhibcood halka uu u dhaliyey Teague,11 dhibcood.

Shirkadda American Airlines waxay muddo isku dayaysaa in ay xalliso eedaha ku saabsan in ay rakaabka u kala eexato.

Bishii Oktobar, kooxda xuquuqda rayidka ee NAACP waxay sheegtay in “arrimo aan wanaagsanayn ay ka warrameen rakaabka madow ee Mareykanka ah, waxay si gaar ah uga dacwoodeen shirkadda diyaaradaha ee American Airlines”.

Khadar Jamac Dirir

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews