Hargeysa: Shirkadda East Africa Group Oo 400 Kartoon Oo Caano Ah Ugu Deeqday Xarun Lagu Hayo 600 Qof Oo Xanuunsanaya
December 30, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda East Africa Group, ayaa deeq Caano Moor-garaysan ah ku wareejisay Xarunta SAHAN oo lagu dabiibo Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka, taasi oo ku taalla Galbeedka Magaalada Hargeysa.
Munaasibad Shirkaddaasi ku wareejisay 400 oo Kartoon oo Caano Moor-garaysan ah, ayaa waxa ka qayb-galay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), Maamulka Xarunta Sahan iyo Maamulka Shirkadda Caanaha ugu deeqday Dadka Xanuunsanaya ee lagu hayo Xarunta Sahan.
Maamulaha Shirkadda East Africa Group Mr. Maxamuud Nuur Muraase oo hadal kooban halkaa ka jeediyey ayaa yidhi “ILAAHAY baa Mahad leh oo noo suurtagaliyey inaanu hawshan Tabaruca ah fulino. Annaga oo ah Shirkadda East Africa Group waxaanu Xarunta SAHAN ugu deeqday 400 oo Kartoon oo Caano ah, markaa Caanahaa waxaanu ugu Talo-galnay Dadkaa dhibaataysan ee Xanuunsanaya, inkasta oo baahidu intaa ka badan tahay, sidaasi darteed waxaanu rejaynaynaa in ILAAHAY naga abaal-mariyo.”