berberatoday.com
Maraykanka Oo Falastiin Ugu Baaqay Inay Maanka Ka Saarto Caasimada Qudus Iyo Maamulka Falastiin Oo Ka Hadlay
December 30, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maraykanka ayaa Falastiiniyiinta u soo jeediyay codsi ah in Qudus bedelkeeda ay caasimadooda ka dhigtaan magaalada Abu Dis oo dhacda duleedka magaalada Qudus.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa Falastiiniyiinta ugu baaqay inay niyadooda ka saaraan iney caasimad ka dhigtaan bariga Magaalada Qudus.

Madaxa xafiiska Siyaasadda ee Xarakada Falastiin Ismaaciil Hani’a ayaa sheegay in aanay suurtagal aheyn codsiga Mareykanka oo ah in Qudus badelkeeda ay casimdda falastiin noqoto magaalo kale.“Hadalka Maraykanka uu noogu tilmaamayo halka aanu caasimad ka dhiganeyno waa mid jees jees ah” ayuu yidhi Mr. Hani’a.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in sidoo kale soo jeedintaasi Mareykanka u soo Bandhigay Madaxda Falastiiniyiinta ay ka mid tahay in saddex meel loo kala qeybiyo Daanta galbeed ee dhulka Falastiin, in mamulka Gaza la hoos geeyo Israel iyo in Buundo laga sameeyo inta u dhaxeeysa magaalooyinka Qudus iyo Abu-Dis si aanay muslimiinta Salaadda ugu tukan masjidka Barakeysan ee Qudus.

Madaxa xafiiska siyaaasadda Falastiin ayaa sheegay in talaabada uu wado Madaxweynaha Maraykanka ay u horseedayso dagaal hor leh ee ka dhex qarxa Falastin iyo Israel, wuxuuna caddeeyay in haatanba la diyaariyay Ciidan Falastiniyiin ah oo la dagaalamaya wax uu ugu yeedhay Sahyuuniyada caalamiga ah.

Maraykanka ayaa dhowaan caasimada Yuhuuda u aqoonsaday magaalada Qudus, isagoo sidoo kale xusay inuu safaaradiisa Tel aviv u soo rarayo Magaalada Qudus, waxaana hadalka Maraykanka uu ka cadheysiiyey dunida Islaamka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews