berberatoday.com
Muqdisho: Ciidamo Weerarray Guriga Siyaasi Caan Ka Ah Soomaaliya
December 31, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda weerartay guriga Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo duhurnimadii Sabtida ee Maanta Ciidan hubaysan oo loo malaynayo inay kuwa dawladda yihiin ay xoog ku galeen.

Xilliga weerarku uu dhacay, Mr Qaybdiid waa uu ka maqnaa guriga, mana jiro wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhashay.

Senetor Cabdi qaybdiid oo goor dambe saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha nabadsugidda ee gobolka Banaadir uu ku wargeliyey in guriga ay soo weerareen ‘ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta’.

Barta Twitterka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyadana lagu qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu taliyaha milateriga ku amray in baadhitaan lagu sameeyo dhacdadaas, iyadoo ‘ciddii ku lug yeelatana sharciga lala tiigsan doono’.

Sawirro laga soo qaaday guriga Cabdi Qaybdiid ayaa muujinaya burbur loo gaystay agabkii guriga yaallay.

Wakaaladda wararka ee ku hadasha Afka dawladda Soomaaliya ayaa goor dambe shaacisay in taliyaha ciidanka xoogga dalka uu xabsiga u taxaabay 40 askari oo ciidanka dawladda ka tirsan iyo laba sarkaal oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Qaybdiid.

qaybdiid

Weerarkan ayaa imanaya Toddobaad uun ka dib, Weerar xilli habeennimo ah lagu qaaday Guriga uu Magaalada Muqdisho ku leeyahay Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo sababay inay dhintaan Shan Askari oo Gurigaa ilaalo ka ahaa, dhaawacna soo gaadho Siyaasiga la weerarray Gurigiisa, kaasi oo isagoo dhaawac ah markii dambe la xidhay, wallow maalmo ka dib Maxkamadi siidaysay.

Cabdi Qayb-diid ayaa hore u ahaa Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Gal-mudug.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews