94 Sano Kadib Ma Laga Yaabaa Inay Xaqiijiyaan Dhakhaatiirta Dalka Masar In Fanaanka Sayid Darwiish Sun Lagu Dilay !
January 1, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda sare ee Dalka Masar ayaa waxa soo gaadhay dacwad aad u layaab badan oo ah in dib qabriga looga soo saaro Meydka Fanaankii Caanka ahaa ee Sayid Darwiish ee geeriyooday 94 sano ka hor si loo baadho in la dilay amase dilkiisii sun loo adeegsaday, sababta keentay arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay in dhimashadii fanaankaasi ay ka soo baxeen hadalo tiro badan oo is burinaya.
Haddaba, sida uu baahiyey Wargeyska Dunya Al-waddan ee ka soo baxa Dalka Masar oo Shabakada Warar ee Berberatoday.com ka soo xigtay ayaa sheegaya in Sayid Darwiish uu geeriyooday 9kii bishii September ee sanadkii 1923kii, waxaana ka mid ah hadalada is burinaya ee dhimashadiisa laga weriyay inuu si curfiya u guursaday gabadh la odhan jiray Xayaat Sabri waxaanay Xayaat sabri sheegtay in dhimashada Sayid Darwiish ay ka dambeeyeen Qoyska Magacooda la yidhaahdo Jiritli isla markaana ay sharaab uu cabayay sun ugu dareen ah maadada Moraphin oo ay sababtay dhimashadiisa.