Sawirada Laba Nin Oo La Sheegay Inay Dhaceen Bangi Ku Yaalla Dalka Lubnaan !
January 1, 2018 - Written by Berbera Today
Cairo(Berberatoday.com)-Maalintii ay taariikhdu ku beegnayd 22 bishani aynu ku jirno saacaduna ay ku beegnayd Abaaro 1:00 Duhurnimo ay la nin oo wajiyadooda qariyay isla markaana hubaysnaa ay soo weerareen Bangiga France Bank isla markaana ay hub u adeegsadeen shaqaalihii bangigaasi.
Waxay labadani Nin ku guuleysteen inay dhacaan lacag badan, balse markii ay bangiga ka soo baxeen waxay rideen xabado badan oo ay isaga reebayeen dadkii daba carraray, balse ciidammada Ammaanka ee Dalka Lubnaan ayaa ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan labadaasi nin ee hadhka cad sida badheedhka ah u dhacay bangigaasi waana kuwan Sawiradoodi laga qaaday markii ay gacanta ku soo dhigeen ciidammada Ammaanku.