AFRIKA: Wasiir Musuqmaasuq Iyo Hunguri Weyni Ku Eedeeyay Xukuumaddii Uu Ka Tirsanaa, Ka Dibna Iscasilay
January 4, 2018 - Written by Berbera Today
Zambia(Berberatoday.com)-Wasiirkii arrimaha dibedda ee dalka Zambia Henry Kalaba ayaa iska casilay xukuumadda dalkaas.
Henry Kalaba ayaa iscasilaaddiisa ku sheegay qoraal dheer oo uu ku baahiyey Shabakdda xidhiidhka Bulshada ee Facebook, isagoo ku eedeeyay dowladda uu ka tirsanaa musuqmaasuq, hunguri weyni iyo maamul xumo.
Balse, dadka siyaasadda u dhuun-daloola waxa ay sheegeen in iscasilaadda Wasiirku ay tahay cadaadis la saarayo Madaxweyne Dalkaasi Mr. Edgar Lungu oo markii saddexaad xilka isku soo sharaxaya, halka dastuurka dalkaas uu qabo in labo jeer oo kaliya uu qofka xilka hayo.