Dawladda Itoobiya Oo Cafis U Fidisay Dhammaan Dadka Siyaasadda Ugu Xidhan Dalkeeda
January 4, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay in xasbiga laga wada sii daynayo dhammaan dadka u xidhan sababaha siyaasadeed, isla-markaana Albaabbada loo laabayo xasbiga weyn ee Maekelawi.
Waxa kale oo uu sheegay in dadka xukun sugeyaasha ah iyaguna Cafis loo fidiyey.
Itoobiya ayaa lagu eedeeyaa ku xad gudub xuquuqda aadamaha, iyada oo la xidh-xidho dadka mucaaradka ah.
Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Dawladda qirato in ay xabsiyada ku hayso dad u xidh-xidhan sababo siyaasadeed.