Guddi Hoosaad Wakiillada Ah Oo Baadhaya Sidii Loo Kharash-gareeyay Miisaaniyad-sannadeedkii 2016-ka Oo Golahaa Hor-taalla
January 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay kulan la yeeshay Hanti-dhowraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland, waxayna ka wada-hadleen Xisaab-xidhka Miisaaniyad-sanadeedkii 2016-ka oo Hor-taalla Golaha Wakiillada.
Kulankan Saddex Geesoodka ah oo Albaabbadu u xidhnaayeen, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ujeeddadiisa faahfaahiyey Guddiga Guddi Hoosaadka Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Naasir Cali Shire, waxaanu yidhi “Waxa Xafiiska nagu soo booqday Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo wata Shaqaalihiisii iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo wata Shaqaalihiisii, Kulanka aanu la yeelanay wuxuu daaranaa Xisaab-xidhkii Miisaaniyad-sanadeedka 2016-kii oo hor-yaalay Golaha Wakiillada, waxa kale oo uu kulanku daaranaa wixii ka dambeeya Xisaab-xidhkan sida loo wada shaqeynayo.”