Ciyaaryahan Cagaf-cagaf Ku Tagay Garoonka Arsenal Iyo Ujeedada Uu Kalahaaa
January 6, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sida caadada ah, waxay ciyaaryahannada kubadda cagtu ku tagaan garoomada tababarka baabuur qaali ah oo aad u qurux badan, hase-yeeshee, waxa dhaqankaas jebiyey xiddiga Arsenal ee Alexis Sanchez oo garoonka carbiska Gunners ku tegay cagafta beeraha lagu qoto.
Tababarkii gellinka hore ee Arbacada ee ay Gunners iskugu ciyaarinaysay ciyaarta Chelsea, ayaa waxa uu laacibka u dhashay waddanka Chile ee Sanchez uu iskaga xaadiriyey garoonka tababarka cagaf uu ku xidhan yahay buudhigii ay ku qaadanaysay alaabta.
Lama garanayo sababta uu sidaas u yeelay, hase yeeshee, waxa ay dadka wax fasiraa ku tilmaameen inuu muujinayey inuu ku sugan yahay marxalad farxad ah oo uu ciyaar wanaagsan soo bandhigay, isla markaana uu ugu sheegayo ciyaaryahannada kooxdiisa inay culays badan isa saaraan si ay u garaacaan Chelsea, kulanka garoonka Emirates Stadium.