Madaxweynaha dawlada Xamar Maxamed Cabdulahi Farmaajo Oo Maanta Safar Ku Imanaya Garoowe Iyo Suurtogalnimada In Uu Ku Soo Xad Gudbo Somaliland Oo Uu Soo Gaadho Sanaag Bari + Akhriso
January 6, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la filayaaa inuu soo gaadho magaalada Garoowe ee maamulka Puntland , halkaas oo hada laga dareemaayo qaban qaabada soo dhaweyntiisa .
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dhulka Puntland ku sugnaan doono Muddo Afar Maalmood ah waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu booqasho ku tagi doono deegano ka tirsan gobalka Sanaag ee Somaliland , Gaar ahaan Sanaag Bari .
