Xeeldheereyaal Deegaan Oo Ku Taliyey In Cashuur Laga Qaado Qof Kasta Oo Hilib Cuna
January 6, 2018 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com0-Xeeldheereyaasha deegaanku waxa ay aaminsan yihiin in aanay waxba ku kala duwanayn dhibaatada caafimaad iyo deegaan ee ka dhalata nuugista sigaarka iyo ku talaxtagga cunista hilibku. Sidaa awgeed ay muhiim tahay in si isku mid ah loola xisaabtamo labada qolaba. Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in hilib cunista badani ay u baahan tahay xoolo badan oo la dhaqdo, taasina ay kor u qaadayso tirada xoolaha dunida ku nool oo dabcan iyaguna dhibaato ku keenaya deegaanka.