Barta Muuqaalada Lagu Baahiyo Ee YouTube-ka Oo Xidhiidhka U Jartay Nin Caan Ah Oo Mayd Soo Galiyay
January 11, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Shirkadda YouTube ayaa jartay xidhiidhkii ganacsi ee ay la
lahayd nin caan ka ah bartan muuqaallada la iskula wadaago ka dib markii uu baahiyay muuqaal muujinaya qof mayd ah oo u muuqda in uu is dilay.
Logan Paul ayaa laga joojiyay barnaamijka shirkadda YouTube ay lacagaha ku kiiso dadka muuqaallada ay soo galiyaan aad loo daawado.