Nin Ajaanib Ah Oo Dabar Gooyey Ugaadhii Somaliland iyo Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Oo Ka Qaatay Lacag Dhan 25000. Oo Doolar.
January 11, 2018 - Written by Berbera Today
Nin Ajaanib ah oo Dabar Gooyey Ugaadhii Somaliland iyo Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka oo Ka Qaatay Lacag Dhan 25000 oo Doolar.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fadeexad iyo musuq xadhkaha goostay oo ka bilowday wasaaradda deegaanka iyo duur joogtii oo halis ugu jirta inay dalka ka dabar go’do, ninkan idiin muuqdaa waa nin cadaan ah oo ajaanib ah oo lacago badan ku laaluushay agaasimaha wasaaradda deegaanka Somaliland Maxamed Cilmi Xuseen oo fasax u siiyey in uu ugaadhsado duur joogta dalka.


