berberatoday.com
Alle ha Unaxariiste Marxuum Aadan Xuseen Cilmi(Adan Daved)Oo Berbera Ku Geeriyooday
January 13, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Marxuum Aadan Xuseen Cilmi oo ku magac dheeree Adan Daved ayaa Saaka subaxnimadii ku geeriyooday magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil oo uu daganaa,
Marxuum Adan Daved sida la sheegay waxa uu ku dhashay magaalada hargeysa hilaadii 1955kii waxaanu kusoo kacaamay isla magaalada hargeysa oo qoyskiisu daganaa waxaanu aabihii Xuseen Cilmi Awcalina Waxa ahaa nin caana oo magaalada hargeysa laga yaqaanay oo dhismaha guryaha ku caan ahaa isaga iyo walaalkii oo lagu magaacabi jiray Dhaylaawe.
Marxuum Aadan Xuseen Cilmi oo ku magaca dheeraa Adam Daved waxa uu malcaamad quraanta ka bilaabay isla magaalada hargeysa isaga oo dugsiyada hoose dhexe iyo sareba ka Baxay Axmed Guray, Biyo dhacay Iyo Faarax Oomaar kadiban udhoofay dalka sucuudi carabiya oo mudo ka shaqaynaayay dekeda weyn ee Jeddah kana soo laabtay horaantii 1979kii isaga oo Marxuumku ka qeyb qaatay sida ay sheegeen dadkii yaqaanay halganmkii dib uxoreynta dalka isaga oo dalka gudihiisa ka dagaalamaayay oo tabaabushaha ka waday.
Marxuum Aadan Xuseen Cilmi Adam Daved waxa uu kamida ahaa ragii seeska udhigay nadaamnka dawladnimo ee Dekeda Berbera horaantii sanadii 1991kii xiligaas oo uu noqday madaxii dajinta Badeecadaha iyo rarka(Port Operation Manger)isaga oo Marxuumku badiba shaqaalaha kala duwan ee muruqmaalka Dekeda Berbera shaqada gacantiisa ku qoray maadaama oo uu khibrad ulahaa shaqada dekedaha oo ka soo shaqeeyay Dekeda Jeddah.
Sidoo kale Marxuum Adam Daved waxa uu maamulka Dekeda berbera ka gaadhay Madaxada faraca Bada Dekeda Berbera, Xisaabiyaha sare, madaxa socodka badecadaha iyo Maareeye kuxigeenka labaad ee dekeda berbera.
marxuum Aadan Xuseen Cilmi alle Ha Unaxariistee ayaa lagu yaqaanay hal adag shaqo wanaag cilmi ku dhisan iyo aftahanimo xaga luuqadaha carabiga iyo ingiriisada ah.
waayadii udanbeeyay marxuumku waxa uu ku xanuunsanaayay magaalada berbera oo uu saaka subaxnimadii hore ku geeriyooday alle ha unaxariiste.
Bahda shabakada wararka Berberatoday.com waxa ay tacsi tiiraanyo leh udiraysaa guud ahaan shacabka reer saaxil gaar ahaan qoyska uu Marxuum Aadan Xuseen Cilmi(Adam Daved) uu ka baxay anaga oo ilaahayna uga baryayna marxuumka inuu janooyinkiisa naciimka ah ugu deeqo aamin aamin aamin
Berberatoday.com
COMMENTS
|