berberatoday.com
Ciidanka iyo dhaxanta iyo gurmad la’aanta haysata! W/Q Farxaan Maxamed Suldaan (Rakad)
January 15, 2018 - Written by Berbera Today
Ciidanka iyo dhaxanta iyo gurmad la’aanta haysata!  W/Q Farxaan Maxamed Suldaan (Rakad)
Ciidamada kala duwan ee qaranka ayaa bilihii u dambeeyay la tacaalayay dhaxanta iyo qabawga iyagoon haysan wax difaaca oo ka celinaya dhaxanta halka iyagu wakhtiyadan dambe ay dalka difaacayaan oo ay ku jiraan xaalad ay naftooda u hureen dalkooda iyagoon dhaqaale iyo adduun kalena aan ku qabin.
Bal ka waran ninka askariga ah ee caawa dalka ka ilaalinaya jiida hore ee aan haysan Koodh, Buste ama wax dhaxanta ka celiya ee haddana aynu ognahay mushaharkiisa iyo inta uu le’eg yahay miyaanu gurmad u baahnayn?
Ciidamada kala duwan ayaa dhaxantu sikasta ugu dhacday iyagoon haysan wax qalab ah oo ay iskaga celiyaan dhaxanta kuwaas oo habeenkasta u soo jeeda ilaalinta dalka iyo nabadgalyadaba.
Mushaharka ay qaataan ciidamadu ayaa ah mid aad u hooseeya oo aan gaadheyn 600,000 oo kun oo SLSHL ah.
Xaaladaha ay ku jiraan ciidamadu ayaa ah xaaladaha ugu hooseeya  ee ay ku jiraan shaqaalaha  kala duwan ee dalka ka shaqeeya.
Madexweyne Muuse biixi  waxaan ugu baaqayaa inuu si deg-deg ah ula gaadho ciidamada kala duwan ee dalka  Bustayaal, Koodhadh iyo Kabo si ay dhaxanta uga gaashaantaan ka dibna uu mushaharkooda dib u eego oo uu balanqaad u sammeeyo.
Magaalooyinka Hargeysa ayaa dhaxantu hoos u dhaaftay 10°  halka magaalooyinka Berbera iyana qabawgu 20° gaadhay.
Meesha Berbera qabawgeeda loo adkaysan waayay miyaa Hargeysa, laascaanood iyo Jiidaha kale ee ciidankeennu jooggaan loo adkaysan karaa.
Gurmadka ciidamada ha la bilaabo haddii shirkad la yahay, hay’ ad la yahay, ganacsato la yahay dhammaanteen waxa xil inaga saaraan yahay inaynu gurmad u galno ciidankeenna oo lagu caawiyo kolba wixii dantu keentay sida ay maanta ugu baahan yihiin Koodhadh iyo bustayaalba.
Fadlan gaadhsii Ciddii ka naxaysa Ciidanka oo ay ugu horreeyaan Maamulka Dawlada.
#Dareenciidan.
Farhan Mohamed ( Rakad)
Facebook:  Rakad Mxd Sultan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews