War Deg Deg Ah”Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Xukun Ku Riday Laba Wariye Oo Mayarka Berbera Dacwad Ku Oogaayay
January 15, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa Xukun Xadhig Ciqaabeeda ku rida waraiyayaal laba ah oo bishii udanbaysay dacwad uu ku oogaayay Gudoomiyaha Golaha deegaanka Degmada Berbera ahna Mayerka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan(Cidin)oo Kaga socotay Maxkamada Gobolka Saaxil,
Wariyayaasha Xadhiga Ciqaabeedka lagu xukumay oo kala ah Wariye Axmed Saciid Maxamed oo ah wakiil wareedka Tvga Eryal iyo wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ah wakiil wareedka Tvga Saab Tv ayaa horaantii bishii december saldhiga dhexe ee berbera lagu Xidhay damaanad lagu siidaayay markii ay mudo laba todobaad ku dhaw xidhnaayeen waxaanay dacwadu kusocotay iyaga oo debeda jooga,