Daawo Muuqalka”Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Saaka Dalka Uga Dhoofay Iyo Masuulyiinta Raacdey
January 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo
wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2018 safar shaqo oo qaadan doona maalmo kooban ugu ambo-baxay dalka Itoobiya.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa daba socda marti-qaad rasmi ah oo uu usoo diray ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegne, waxana sida qorshuhu yahay uu madaxweynuhu la kulmi doonaa ra’isal wasaaraha Dalkaasi, iyada oo kulankaasna diiradda lagu saari doono xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.