“Wakhtigii Towrada, Xukuumadduna Yaanay Xoriyatul Qawlka Meel Kaga Dhicin” Xildhibaan Saleebaan Garas Seed
January 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay qorshaha cusub ee Xukuumadda ee wasiirka warfaafintu sheegay ee ah in Masuuliyiinta Qaranku aanay u warami karin Warbaahinta gaarka ah, oo Warbaahinta Dawladduun wareysiyo siin karaan, waxaanu sheegay in qorshahani yahay mid aan haboonayn oo sinaba suurtagal ku noqon karin.
Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Warbaahinta gaarka ahi ay qayb libaax leh ka qaadato horumarka dalka, iyo tabinta wararka waxtarka u leh Bulshada, waxaanu ugu horeyn yidhi“Dhammaan Warbaahinta dalkeenu umaddu wey wada leedahay, waana u dhex, laakiin haddii maanta ay Xukuumaddu kala xigtaysto Warbaahinta, waa sidii Tawradii oo suurtagali mayso, xoriyatul qawalkuna waa fasax, laakiin haddii la yidhaahdo Masuuliyiinta Xukuumaddu waxay ku koobnaanayaan warbaahinta dawladda, waa ceeb, ee wakhtigii Tawrada lama jooga, dal Dimuqraadiyana weynu nahay, ee Xukuumaddu yaanay xoriyatul qawalka meel kaga dhicin, oo yaanay Xukuumaddu warbaahinteeda oo qudha isku koobin, sinaba uga maarmi maayso warbaahinta kala ee dalka”