Diyaarad Ay Leedahay Qaramada Midoobay Oo Diiday In Ay Qaado Maxadawaynaha Puntland Iyo Sababta Keentay
January 17, 2018 - Written by Berbera Today
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta
ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii diyaarad ay leedahay UN-ka oo ka qaadi laheyd garoonka Gaalkacyo ay diiday in boorsooyin aan la baarin in la saaro diyaaradda.

Muran saacado badan qaatay ayaa ugu dambeyn diyaaradda ku adkeysatay in aanay qaadin Madaxweyne Gaas iyo Mas’uuliyiintii la socotay baaritaan la’aan agabka ay wataan, iyadoo markii dambe ay diyaarada kacday rakaab la’aan.