Galaydh Oo Taageerayaashiisa Ka Dhaadhicinaya Heshiiskii Khaatumo Iyo Somaliland
January 17, 2018 - Written by Berbera Today
Kalabaydh(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh oo tan iyo markii uu Somaliland Heshiiska la saxeexday ku sugnaa Magaalada Hargeysa, balse dhawaan ku laabtay Magaalada Buuhoodle, ayaa Shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Kalabaydh ee Gobolka Sool.
Madaxweynaha Khaatumo oo deegaannada Gobollada Sool iyo Buuhoodle ku mari doono safar qayb ka ah dhaqan-gelinta heshiiskii uu Somaliland la galay isla-markaana uu Bulshada deegaannadaa kaga dhaadhicinayo ahmiyadda Wada noolaashiyaha Bulshada, ayaa waxa Safarkiisii koowaad waxa lagu soo dhaweeyay Magaalada Kalabaydh.