Tirada Dad Ku Dhintay Weerarro Puntland Ka Fulisay Gudaha Gobolka Sool Oo Keenay In Somaliland Xuduudkeeda Ku Ruqaansato
January 17, 2018 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Badhasaabka Goboka Sool ee Somaliland Cabdi Khayre Dirir, ayaa ka warramay Duulaanno ay Hore Ciidammada Maamul-gobolleedka Puntland ugu soo qaadeen deegaanno ka mid ah Gobolka Sool, isla-markaana ay ka geysteen Dilal ay u geysteen Dad Shacab ah.
Badhasaabka Gobolka Sool oo Shalay Shir-jaraa’id ugu qabtay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inay Puntland caado ka dhigatay inay sidii Jabhadaha hadba Meel ka soo gasho Xuduudka Somaliland, laakiin aanay Somaliland u dul-qaadan karin oo ay ka qaadayso Tallaabooyin ay wax kaga qabanayso.