Wasiirka Biyaha Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Maanta Booqasho Ku Tagay Deeganka Tuko-raq Ee Gobalka Sool
January 17, 2018 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Wasiirka biyaha Somaliland Md Saleeban Cali Koore
iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa waxaa uu maanta booqasho ku tagay deeganka Tuko-raq ee gobalka Sool oo dhawaan ciidamada qaranka Somaliland la wareegeen .
Wasiirkan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda deegankaas isla markaana shalay ayaa si kulul uu uga hadley xaalada magaalada Tuko-raq isaga oo ku hanjabey hadii maamulka Puntland ay dagaal soo qadaan in magaalada Garoowe iyo Laascaanood mid uun laga qixi doono
