Hogaamiyihii Mucaaradka Oromada Oo Dawlada Itoobiya Xabsiga Kasii Daysay
January 19, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Itoobiya ayaa maanta xabsiga kasii daysay hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas, Merera Gudina oo muddo ka badan hal sano ku jiray xabsi ku yaalla Addis Ababa.
Saraakiisha xabsiga uu ku xidhnaa hoggaamiyahan ayaa sheegay in Gudina la sii dayay maalintii Arbacada isla markaana loo ogolaaday inuu hoygiisii dib ugu laabto. Isagoo ahaa hoggaamiyihii kooxda mucaaradka ah ee qowmiyadda Oromada oo muddo dalbanayay in xabsiga laga sii daayo.