Maskaxda Gabadhu Si Xawli Ah Ayaa Ay Shaqada U Kordhiso Xilliyada Jacaylka, Murugada Ay Ku jirto
January 19, 2018 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanak ayaa daahfurtay in maskaxda haweenku ay shaqadeedu u korodho si xawli ah, oo aad uga badan ragga, xilliyada ay gabadhu marayso duruufaha kala duwan ee dareenka jacaylka, murugada iyo guud ahaan xaaladaha shucuurta la xidhiidha ah. Arrintan oo ay xeeldhereyaashu ku tilmaameen in ay sabab u tahay in gabadhu ay ragga kaga badato xaaladaha nafsiga ah ee xilliyadan la arko.
Cilmibaadheyaal ka tirsan xarunta caafimaadka ee Amen oo ku taalla gobalka California ee dalka Maraykanka, ayaa kaddib, baadhis ay ku sameeyeen shaybaadhada iyo sawirrada kombiyuutarka maskaxda oo laga qaaday in ka badan 26 kun iyo 683 qof oo ah rag iyo dumar qaba xanuuno nafsi ah. Sida xaaladda lagu magacaabo ‘hyper’ oo ah in qofka lagu arko xarakaad iyo firfircooni jidheed oo aad uga fog inta qofka caadiga ah looga bartay, iyo dheg dhacsanaanta, ee loo yaqaanno ‘Attention deficit disorder’ taas oo ah in qofka, lagu arko fahamka oo ku adag, feejignaan la’aan, baahsanaan maskaxda ah, in aanu dhaadin xeerarka, iyo shuruucda iyo waxyaabaha hareerihiisa ka socda. Waxa kale oo ka mid ah xanuunnada nafsiga ah ee xaaladahaas ka dhasha Schizophrenia oo ah khalkhal daran oo maskaxda ku dhaca, dawadiisuan adag tahay, kaas oo dhaawaca, hab-dhaqanka iyo fikirka qofka. Waxyaabah lagu gartana ay ka mid tahay qofka oo codad kale maqla, isla hadal, ismoodsiis ku dhaca, iyo iwm. Xanuunnadan ayaa aad loogu arkaa dumarku marka ay ku jiraan xaaladaha la xidhiidha shucuurta sida jacaylka, qulubka iwm.