berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hargeysa Kula Kulmay Safiirka Midawga Yurub Ee Soomaaliya
January 20, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Oo Kulan Wada Yeeshay Maanta

Hargeysa()Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta oo jimce ah taariikhduna ay tahay 19/01/2018 la kulan la qaatay safiirka midawga yurub, u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo, oo dalka ku sugan, waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee midawga yuurb iyo Somaliland.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo safiirku sidii laysaga kaashan lahaa, loona adkayn lahaa wada shaqaynta amniga iyo arrimaha budhcad badeeda, midawga yurubna ay sii wadan taageerada ay Somaliland, awalba ka siin jirtay arrimaha la xidhiidha, maalgashiga, qorshaha mashaariicda horumarineed ee dalka lagu horumarinayo iyo inay xooga saaraan, mashruuca weyn ee lagu dhisayo waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale loona yaqaan (Berbera Corridor), waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaaday sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad iyo in sare loo qaado xidhiidhka labada dhinac ee Somaliland iyo Midawga yurub, sidoo kalena ay Somaliland ka taageeran dhinacyada maalgashiga, qorshaha horumarineed iyo tayeynta waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing, table, wedding and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 1 person, smiling, sitting and suitImage may contain: 1 person, standing, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews