Waddan In Ka Badan 200 Oo Askari Iyo 2 Diyaaradood Oo Dagaal U Adeegsaday Soo Qabashada Haweenay Kaliya Iyo Ujeedada
January 22, 2018 - Written by Berbera Today
Milan(Berberatoday.com)-Waxa loo dalbaday in ka badan 200 oo askari oo boolis ah oo hubaysan, ku dhawaad laba guuto oo guuto waliba ka kooban yahay shan Ey oo carbisan oo ah nooca baadhista loo adeegsado, laba diyaaradood oo Helicopter ah iyo askar loo carbiyey baadhitaanada.
Dhammaan hawl-galkaasi iyo gurmadka intaasi le’eg ee lagu hawl-galayaa ma aha kuwo ku jihaysan koox cadaw ah ama ciidamo meel soo galay oo lagu duulayo balse waa kaliya in gacanta lagu soo dhigo mid ka mid ah xubnihii ugu awood badnaa maafiyada waddanka Talyaaniga ee Jasiiradda Saqaliya. Dom ma aha qof la tuhunsan yahay oo dambiile ah oo kaliya balse Don waa kelmad Talyaani ah oo macnaheedu yahay Marwo waxaana looga jeedaa in dhammaan hawl-galkaasi oo dhammi ku jahaysan yahay haweenay Marwo ah oo ahayd haweenayadii uu qabay ninkii Hogaamiyaha u ahaa Maafiyada waddanka Talyaanigu.
Dhammaan markii hawl-galkaasi lagu qaaday haweenaydaasi ee hubka iyo ciidamada intaasi le’eg lagu jiheeyey ayaa gacanta lagu soo dhigay Marwo Maria Angela Di Trapani oo 49-jir ah ahna haweenay uu qabi jiray ninkii Salvatore Madonia oo ahaa Hogaamiyaha Maafiyada waddanka Talyaanigu, taasi oo toddobaadkii hore weerarkaasi lagu soo qabtay. Waxa la ogaaday in ay maleegaysay shirqoolo iyo abaabul dheeraad ah oo la xidhiidha maafiyada Talyaaniga oo ay boodhka ka jafaysay Jasiiradda Saqaliya. Waxa ay boodhka ka jafaysay guutadii ugu khatarta badnayd Maafiyada Talyaaniga ee loo yaqaanay Cuza Nustra kadib markii uu geeriyooday hogaamiyahoodii Tuto Riena kaasi oo muddo dheer kooxdan Maafiyada ah hogaamiye u ahaa wakhtiganna liinta ku cabbaya xabsi ku yaalla dalkaasi Talyaaniga.
Haweenaydan lagu duulay ee Maria Angela Di Trapani ayaa la aaminsan yahay in ay tahay haweenaydii ugu dambaysay ee ka tirsan xubnaha Maafiyada waaweyn ee Talyaaniga ee ciidamada dalkaasi gacanta ku soo dhigayaan kadib sannado badan oo lala dagaalamayay. Af-hayeen u hadlay booliska waddanka Talyaaniga ayaa sheegay in Maria ay muddo sannad ku dhaw abaabulaysay kooxdaasi Maafiyada ah oo ay doonaysay in ay dib u hawl galiso sirdoonka dalkaasi Talyaaniguna ka war heleen muddo kadibna la qorsheeyey in gacanta lagu soo dhigo iyada oo loo adeegsaday soo qabashadeeda ciidamo dhan 200 oo askari. 10 Ey oo carbisan iyo Laba diyaaradood oo Helicopter ah oo ah nooca dagaalka, ugu dambayna gacanta lagu soo dhigay. Sida ku cad ama lagu sheegay Buugga caanka ah ee ‘Mafia Women’ oo la soo saaray sannadkii 1998-kii oo ah buug lagaga warramayo haweenka Maafiyada Talyaaniga ah, Maria Angela Di Trapani waxa ay ka mid tahay saddexda gabdhood ee ugu khatarta badan Maafiyada dhanka haweenka iyada oo ahayd Hogaamiyaha maafiyada muddo dheerna ku soo jirtay hawlaha Maafiyada.
Arrimaha layaabka leh ee lagu xasuusto haweenaydan Maria Angela Di Trapani waxa ka mid ah markii ninkeeda lagu xukumay xabsi daa’imka in ay u suurto gashay in ay ninkeeda oo xabsiga ku jira haddana uur u qaaddo oo ay wiil u dhasho iyada oo si tuugo ah ama qorshaysan dhawr jeer xabsiga gudaha ugu gashay iyada oo xabsiga uu saygeedu ku xidhaa uu ka mid ahaa kuwa loogu ilaalinta badan yahay haddana ay u suurto gashay in ay gasho qolka saygeedu ku xidhnaa oo ay sidaa uur ugu qaaddo dibaddana ugu dhasho wiil sannadkii 2000.