Xaaladda Deegaanka Darar-Weyne Ee Dagaalku Labada Beelood Ku Dhexmaray Oo Degen Maanta
January 23, 2018 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday)-Waxaa shalay degenayd xaaladda deegaanka Darar-weyne oo qiyaastii 100 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaddib dagaal beeleed doraad halkaas ka dhacay oo ay ku dhinteen 15 qof, in ka badan 25 kalana ay ku dhaawacmeen.
Dagaalkan oo lala xidhiidhinayo aano qabiil, ayaa waxaa haatan soconaya dedaalo xiisada lagu qaboojinayo oo ay wadaan madaxda dhaqanka iyo mas’uuliyiinta dawladda Somaliland.