“Dagaalka Labadan Beelood Baaq Uma Baahna Ee In Ciddii Heshiiska Jabisay Gacan La Saaro Ayey U Baahan Tahay”Xuseen Axmed Caydiid
January 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay dagaalka dhexmaray labada beelood ee wada dega deegaanka Dararweyn, ee Degmada Ceel-afweyn, waxaanu sheegay in xukuumaddu doorkii looga baahna aanay ka gudan, isagoo tilmaamay in loo baahna inay xukuumaddu talaabo ka qaado cidii jabisay heshiiskii laga soo saaray dagaalka labadan beelood.
