Cilmi-baadhis Daah-furtay Hab Cusub Oo Lagu Aqoonsan Karo Dambiilaha Aan Wejigiisa La Arag
January 27, 2018 - Written by Berbera Today
UK(Berberatoday.com)-Dadka dambiga geysta, gaar ahaan dambiyada la xidhiidha Carruurta ayaa waxa ay inta badan wejigooda ka qariyaan Kamaradaha, waxaana aad u adkaata in la aqoonsado dambiilaha si loo soo qabto.
Waxa kaliya ee dambiilaha laga arko ayaa ah gacmihiisa. Balse cilmi cusub oo Saynis ahoo la soo saaray ayaa waxaa lagu ogaaday in qofka wejigiisa aan loo baahnayn haddii gacmihiisa la arko, halkaasna laga tixraaci karo qofka uu yahay.
Sida ay qabto Prof Sue Black, gacan kasta waxa ay leedahay qaab-dhismeed u gaar ah, gaar ahaan sida ay u samaysan yihiin xididdada, xitaa labada gacmood ee Qofka ku wada yaalla ayaan isku qaab ahayn.