berberatoday.com
Dhakhaatiir Caalamiya Oo Booqday Xarunta SAHAN Oo Lagu Daryeello Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka”Daawo Muuqal Iyo Sawiraba
January 27, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhakhaatiir ka socda Dalka Ingiriiska oo ku takhasusay Xanuunnada dhimirka ayaa soo gaadhay Xarunta SAHAN ee lagu daryeelo laguna daweeyo Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka, taasi oo ku taalla Galbeedka Magaalada Hargeysa.

IMG_0874

Maamulka Xarunta SAHAN ayaa Dhakhaatiirta Caalamiga ah iyo Ardayda Jaamacadda Hargeysa War-bixin ka siiyey Xarunta SAHAN, siday u shaqayso, Tirada Dadka lagu hayo iyo Marxaladihii ay soo martay.

IMG_0864

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Xarunta SAHAN la aasaasay 2008-dii, illaa wakhtigaana ay ku bogsadeen Dad badan oo iyagoo Xanuunsanaya la geeyay, isagoo Xusay in Xarunta SAHAN ay gacan ka hesho Dhakhaatiirta Caafimaadka oo ay xidhiidh wanaagsan leeyihiin “Waxa laga yaabaa haddii aanaan Qaban lahayn Lixda Boqol ee Qof ee Xanuunsanaya ee Sahan ku jira, waxa laga yaabaa in gebigeenaba la inna wada Ciqaabi lahaa (Xagga ilaahay), markaa Maaddaama oo ILAAHAY Dadka isku eegayo inuu inoogu naxariisto ayaa dhici karta.” Ayuu yidhi, Bashiir Maxamed Jaamac oo la hadlayey Dhakhaatiirta Caalamiga ah iyo Ardayda Jaamacadda Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Waxaan aad iyo aad idiinka codsanayaa in Cilmiga aad barataan aad Bulshada ugu adeegtaan, Qofka caqliga badana waa ka Bulshada u adeega”

IMG_0856

Bashiir waxa kale oo uu sheegay in Xarunta SAHAN lagu aasaasay Qol keliya, balse ay Maanta tahay Xarun guud oo ay ku jiraan Dad ka badan Lix Boqol “Masaajidkii baa ku yaalla, Maktabaddii baa ku taalla, Farsamadii Gacantaa ku taalla, Farmasiigii baa ku yaalla, Garoonkii Kubadda Cagta ayaa ku yaalla.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xarunta SAHAN, oo Dhakhaatiirta faahfaahin siinayey.

IMG_0854

Drs. Ellen oo ka socotay Jaamacadda Kings College oo ku taalla Magaalada London, oo ka mid ah Dhakhaatiirta dhanka Maskaxda ee booqday Xarunta SAHAN, ayaa hadal ay halkaa ka jeedisay waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay aragto Xarunta SAHAN oo ay ku sheegtay goob muhiim u ah Bulshada Somaliland “Sahan waa Goob muhiim u ah bulshadiina.” Ayay tidhi Drs. Ellen oo ka mid ah Dhakhaatiirta Caalamiga ah ee Xaruntaa booqay, “Waxaan jecelahay inaan u Mahad-celiyo Hawl-wadeennada SAHAN ee suurto-gal ka dhigay hawshan” ayay hadalkeeda sii raaciyey, iyadoo sidoo kalena ballan-qaaday inay wada-shaqayn yeelanayaan SAHAN iyo Dhakhaatiirta Kings College.

IMG_0849

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay “Goobaha Hargeysa ee ay ku jiraan Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka waan booqday, waxaan booqday Goobo yaryar, laakiin meel sidan loo horumariyey (Sahan), Qalabka intaas leegna la dhigay, Horumarna samaynaysa maan arag (Sahan ka hor)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ardayda Jaamacadaha dhiganaya wax kasta oo ay baranayaan farta ayaa loo saaraa (waa la tusaa), markaa haddaynu helnay oo Jaamacaddu heshay goob aad si taabasho ah ugu qaadataan (Duruusta) Xanuunnada dhimirka aad bay muhiim u tahay.”

IMG_0748

Salma Xasan Cismaan oo ka mid ah Ardayda Sannadka lixaad ee Jaamacadda Hargeysa ka barta Kulliyadda Caafimaadka qaybteeda Xannuunada dhimirka, oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Maanaan filayn inay Dalkeena ku taallo Goob lagu Daweeyo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka oo sidan u qalabeysan, sidan dhismaheedu u qurux badan yahay oo uu u weyn yahay oo heerkii Caalamiga ahaa la hiigsanayo..”

IMG_0734IMG_0724

Dhakhaatiirtan ayaa markaa ka dib, halkaa ka  fuliyey Tababbarro iyo hawlo Samo-fal oo ay ku caawinayeen Dadka Dhimirka ka xanuunsanaya ee halkaa lagu hayo, taasi oo ay barbar socotay Deraasado ay samaynayeen ardayda kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa.

IMG_0658

Dhanka kale, Xarunta SAHAN oo ku tiirsan qaadhaanka ay Bulshadu u fidiso, ayaa waxa Shirkadda Safa ku wareejisay Dee Subag ah, taasi oo Maamulka Shirkaddaasi ugu talo-galay in Cuntada loogu daro Dadka Xanuunsanaya ee halkaa lagu hayo.

IMG_0630

Maamulka Shirkadda Safa General Trading, Xaaji Aadan oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “In Qof Dadka dhisaya la taageero aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, doorka dambena waanu ka qayb-qaadan doonaa, Ganacsatadana waxaanu ugu baaqaynaa inay ka qayb-qaataan Taakulaynta Dadka Xanuunsanaya ee SAHAN lagu hayo.” Ayuu yidhi, Maamulaha Shirkadda Safa.

IMG_0928

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u Mahad-celiyey Maamulka Shirkadda Safa General Trading “Xaaji Aadan wuxuu Sahan keenay Deeq Subag ah, subaggaasi oo laga keenay Dalka Turkiga. Subaggaasi qiimo badan ayuu ugu fadhiyaa SAHAN, waayo? Waxa lagu darsanayaa Bariista, Digirta, Laxooxda iyo Arabikhida.” Ayuu yidhi, isagoo u duceeyay Maamulka Shirkadda soo gaadhsiiyey Deeqda Subagga ah.

IMG_0830

image (1)

Ugu dambayn, Xarunta SAHAN oo dadka bukaanka ah lagu gaadhsiin jiray Gaadiid la soo kireysto, ayaa yeelatay gaadhi Ambilaas ah oo u gaar ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews