berberatoday.com
DP World 70% Lacagta Dekeda Berbera Kasoo Xeroota Ayay Maalin Walba Dollar Ubedeshaa Kuna Shubtaa Banka Dalka Isutaga Imiraatka Ee Dubai. Qiimaha Sarafka Intay Doonaan Ayay Siistaan W/Q Ameer Cabdalla
January 27, 2018 - Written by Berbera Today
Galab walba 7 da fiid nimo waxa Dubai lagu shubaa 70% dakhliga maalintaa Dekeda ka soo xarooda. Waxa la masaxay Bankii Somaliland National Bank oo waxa lagu bedelay Dahabshiil oo lacagta dekeda Dubai u xawila iyadoo dollar ah galab walba.DP World waxay ku darsatay Dekeda Berbera sanadkaa ay gacanta ku haysay ma jirto. Sabab ay lacagtaa intaa leeg u qaadataa na ma jirto. Meeday wadadii Berbera ilaa Wajaale iyo madaarkii madaniga ahaa ee dadka loo sheegi jiray. Sixir bararka waa ka badh lacagtaa galab walba Dubai lagu shubayaa. Hadii Silaanyo iyo koox diisi ay xaqul-qalam u xaraasheen wadanka, Muse Biixi baa looga fadhiyaa in uu wax ka qabto. Arimaha kale ee foosha xun een Somaliland weligeed ka degeyn waxa ka mida in Jeegaantu shaqaalaha iyo xilalka xukuumada iska buuxiyeen, Sidaana dal lagu wada yeelan karaa jiri maayo….Xukuumadu ha soo bandhigto waxay ku doorsatay Saldhiga Berbera hadii kale waxay noqonaysa:

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye…. Xukuumadu waxba yaanay cudurka dameeraha gala ka gubin fardaha, dadku wuu soo jeedaa sidan na Somaliland ku jiri meyso ee xukuumadu qalbiga ha u sheegto. Intani waa iga ogeysiis iyo xasuusin oo waa xukuumad cusub oo hadaanay meelahaa wax ka qaban wax kala socon doonaa ma jiri doonaan baan dareen siinayaa…. Waxba yaan ictiraaf dadka lagu mashquulin ee horta Hawlaha khaldan ee dalka yaal ha la saxo. Ictiraaf hadaad Faizal Cali Waraabe iyo noociisa ka maqasho waa marka la doonayo lacag dibadaha loogu baxo ee daacad kama aha. Charity begins at home. Dalku wuxuu u baahanyay nin sidii Jamaal Cabdinassir yidhaa min ayna laka haadaa.

 

 

Ameer Cabdalla 

Ameercabdalla@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews