Shaybaadh Maskaxda Ah Oo Donald Trump Maskaxda Lagaga Sameeyey, Natiijada Soo Baxday Iyo Dawooyin Uu Madaxweynuhu Joogto U Isticmaalo
January 27, 2018 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Xaaladda caafimaad ee madaxweyne Donald Trump wax warwar ah ma’ laha, naftiisa looma baqanayo, dadka uu u taliyana looma baqanayo, ma qabo asaasaq ‘Dementia’ iyo xanuunka unugyada maskaxda dila ee Alaymarkas (Alzheimer) iyo xitaa cillad kale oo dhaawac ama dhibaato ku ah garaadkiisa. Sidaas waxaa lagu caddeeyey natiijada shaybaadho lagu sameeyey caafimaadkiisa maskaxeed. Laakiin waxa ay sheegeen cillado kale oo caafimaadkiisa guud aan u fiicnayn in uu leeyahay: